dcsimg

Halqooq (kalluun) ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
 src=
Kalluunka duula
 src=
Marka uu bilaabayo duulitaanka
 src=
Qaabsamayska
Exocoetus obtusirostris.jpg

Halqooq ama Duulaaye (Af-Carabi: سمك طائر Af-Ingiriis: Exocoetidae) waa bah ka mida kalluunnka oo baalal uu ku duulo leh,

Tilmaan

Waxay leeyihiin ku 50 jaad oo kalluunka duula ah, ka mid maaha shimbiraha ee waa kalluun awood u leh inuu ka soo boodo biyaha isla markaasna duula, isagoo adeegsanaya baalashiisa dhaadheer.

kalluunkan ayaa duulida ama biibida u adeegsada ka baxsashada cadowgiisa biyaha ku jira, markii cadowgiisu soo dhawaado ayuu sayntiisa midig iyo bidix u dhaqaajiyaa so dhakhso ah, si uu banaanka ugu boodo ka dibna uu duullimaad ugu sameeyo baalashiisa, isagoo biyaha u jirsada joog hal mitir iyo bar ah, iyo xawaare dhan 30 ilaa 40 kiilo mitir saacadii, hawada wuxuu ku jiri karaa ugu badnaa 10 sikin, markuu biyaha ku dhici rabo ayaa hadana wuxuu sayntiisa ku garaacaa biyaha si uu mar kale u duulo, taasoo u keenta inuu meel dheer tago, hadii uu ku celceliyo tabtaas lix ama todobo mar wuxuu goyn karaa 300 ilaa 400 oo mitir,

Waa la cunaa

waxaa laga cunaa jasiiradaha kariibiyaanka, Jabaan, Taywaan, Fiyetnaam, jabaaneeska waxay ka sameeyaan cuntada loo yaqaan Sushi, taasoo ay u haystaan inay tahay cunto aad u macaan,

  • Xeelada kalluunkaan ee duulista ah kama badbaadin bin aadanka inay dabtaan oo ay cunaan

Xeebaha soomaaliya

  • Waxaa laga helaa xeebaha soomaaliya siiba Badweynta Hindiya,
     src=
    Kalluunka duula Badweynta Hindiya, Somalia


license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha

Halqooq (kalluun): Brief Summary ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
 src= Kalluunka duula  src= Marka uu bilaabayo duulitaanka  src= Qaabsamayska Exocoetus obtusirostris.jpg

Halqooq ama Duulaaye (Af-Carabi: سمك طائر Af-Ingiriis: Exocoetidae) waa bah ka mida kalluunnka oo baalal uu ku duulo leh,

license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha