Moringa (Moringa oleifera, البان ama المورنغا) waa geed kumanaan sano loo soo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba. Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'ido oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kaal duwan, haba u badnaan baaritaanandaas in lagu tijaabiyay xayawaanka. geedkaan ayaa wxuu daawo u yahay cudurrada oo dhan wuxuuna la dagaaldaa dhamaan bagteeriyada nool ee dhibta noolaha oo dhan, sida uu daawo ugu yahay nafaqo daarrada iyo abateedka wuxuu leeyahay fiitamiinno kala nooc ah oo aad u badan, waxaa ku jira 7 jibaar fitamin C-ga laga helo liinta iyo afar jibaar fiitamiin A-ga la ga helo karootada iyo afar jibaar kaalshiyamka laga helo caanaha[1].[2][2]
Geedka Moringa waa geed asalkiisu ka soo jeedo dhulka hindida, waxayna u isticmaali jireen weligood in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, waana geed meelo badan ka bixi karo haddii lagu beero oo ay ka mid tahay dhulalka soomaaliya, wayna jiraan dad guryahooda ku beertay s ay uga faa'ideystaan.
Haddii aad leedahay xanuunka wadnaha, sonkorta, dhiig-karka ama kolestaroolka, waa in geedkaan la saaxiibtaa. Haddii ay nafaqo darri jirto ama cunnadaada aysan isu dheelli tirnayn iyaduna waa kuu muhiim in aad cunnada ku darsato. Midda ku saabsan welwelka, waxuu ka mid yahay waxyaabaha badan ee la sheego in lagu daweeyo, laakiin ma arag cilmibaaris u gaar ah arrintaan oo ku talinayso in daawo welwel ahaan loo qaato.[3][4][5]
Moringa (Moringa oleifera, البان ama المورنغا) waa geed kumanaan sano loo soo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba. Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'ido oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kaal duwan, haba u badnaan baaritaanandaas in lagu tijaabiyay xayawaanka. geedkaan ayaa wxuu daawo u yahay cudurrada oo dhan wuxuuna la dagaaldaa dhamaan bagteeriyada nool ee dhibta noolaha oo dhan, sida uu daawo ugu yahay nafaqo daarrada iyo abateedka wuxuu leeyahay fiitamiinno kala nooc ah oo aad u badan, waxaa ku jira 7 jibaar fitamin C-ga laga helo liinta iyo afar jibaar fiitamiin A-ga la ga helo karootada iyo afar jibaar kaalshiyamka laga helo caanaha.